Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Garawe iyo barakac magaalada ka socda

Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada taabacsan Mucaaridka madaxweyne Deni ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo, islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan difaaca  sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda, waxaana laga barakacay xaafadaha qaarkood, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal toos ah  ka dhaco magaalada.

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha Waxbarashada iyo goobaha ganacsi ay xiran yihiin inta badan , islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

Waxii soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo Shaacisay in dagaalka Ukraine uu abuuray Musiibo Caalami ah

Cabdi Cade

Kaalintee Somalia ka gashay qiimeynta FIFA ee Kubada Cagta sanadka 2022?

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Musiibadii ka dhacday magaalada Qardho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---