Dagaalyahano katirsan Al shabaab iyo Daacish oo howlgal lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Howlgal ay ciidamada maamulka Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa la sheegay in lagu qabtay xubno katirsan Al Shabaab iyo Daacish.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo laga sameeyay xaafado katirsan magaalada Boosaaso lagu soo qabtay xubno katirsan Al Shabaab iyo agabyo la doonayay in loo gudbiyo .

”Ciidamada Amniga PuntlandĀ #PSFĀ oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.” ayaa lagu yiri qoraalka PSF kasoo baxay.

Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa saldhigyo ciidan ku leh buuraleyda Golis, waxaana dagaalyahanada kooxdaasi siyaabo kala duwan dilal uga fuliyaan qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -