Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xaalada cudurka Coronavirus ee dalka China oo War wanaagsan laga soo saaray

China ayaa ku warrantay in maalinkii shanaad oo xiriir ah aan gudaha dalkaas laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo la xiriira cudurka Coronavirus ee caalamka kusii fidaya, kaasi oo markii hore kasoo billowday dalkaas.

Waxay sidoo kale sheegtay in tirada kiisaska la diiwaan geliyey ee dadka ka imanaya dibedda ay maanta hoos u dhacday.

China ayaa Axaddii xaqiijisay 39 kiis oo Coronavirus ah, taasi oo ka yar 46-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor. Dhammaan kiisaskaas ayaa ah dad dibedda kasoo safray oo badankood ah arday Shiinees ah oo dalka kusoo laabanaya.

Dhinaca kale magaalada caasimadda ah ee Beijing ayaa sare u qaadday tallaabooyinka lagu xakameynayo fayruska loo soo dhoofiyo, ayada oo dhammaan diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in laga billaabo Isniinta ay u weecdaan magaalooyin kale, sida Shanghai iyo Xian, halkaasi oo rakaabka ay ku mari doonaan tijaabo.

Beijing ayaa diiwaan gelisay 10 kiis oo ah Coronavirus ay qabaan dad dibedda ka yimid, sida uu sheegay Guddiga Qaran ee Caafimaadka, taasi oo ka yar 13-kii la diiwaan geliyey maalin ka hor.

Guddiga Qaran ee Caafimaadka ma sheegin dalalka ay rumeysan yihiin inay ka yimaadeen dadka qaba Coronavirus, hase yeeshee mas’uuliyiinta Beijing ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen kiisaska dad ka yimid dalalka Spain, Britain, France, Mareykanka iyo Pakistan.

Tirada guud ee dadka uu xanuunka ku saameeyey dalka China ayaa Axaddii aheyd 81,093, halka tirada dhimashada ay taagan tahay 3,270.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulankii lagula xisaabtami lahaa Wasiir Fardowsa Cigaal oo la baajiyay iyo Xamse oo …

Cabdi Cade

Dhismaha Barxada Biyaasa Liibaro oo xariga laga jaray iyo Waxa lagu qabanayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay kiiska loo heysto Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar?

admin
Taboola Ads ---