Trump oo soo jeediyey talo yaab leh oo la xiriirta daweynta cudurka Coronavirus

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa sheegay in dalka Mareykanka looga aqoonsaday daawada loo isticmaalo la dagaallanka duumada ama maleeriyada, lagu daweyn karo Coronavirus.

Chloroquine waa mid ka mid ah daawooyinka qaddiimiga ah ee ugu wanaagsan ee lagu daweeyo duumada.

Chloroquine ayaa qarniyo la isticmaalayay. Balse Afrika aad loogama isticmaalo sababo la xiriira inay adkeysi u yeelatay duumada.

Dalalka qaar ayaa soo saaray shuruuc lagu joojinayo isticmaalka daawada, balse weli aad ayaa loo isticmaalaa.

La yaab malaha in chloroquine ay qeyb ka ahayd baaritaanka la xiriira sidii lagu caawin lahaa bukaannada coronavirus. Waa dawo aad loo yaqaanno, waa raqiis soo saariddeeduna fududdahay. Marka lagu daweynayo bukaannada duumada, waxaa dawada loo adeegsadaa yareynta xumadda.

Balse weli ma jirto xaqiijin ku saabsan sida ay dawadan wax uga tareyso bukaannada fayraska Corona qaba, inkastoo baaritaan uu ka socdo Shiinaha, Mareykanka iyo Spain.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku uu weli socdo, balse aan loo heyn wax caddeyn ah.Baraha internet-ka ayaa loo aad looga raadiyay magaca Chloroquine toddobaadkii la soo dhaafay.

Arrintan waxay aad uga jirtaa Nigeria oo la soo sheegay in chloroquine aad looga dalbado farmashiyeyaasha, taas oo sababtay inay gabaabsi noqoto, waxaana arrintan ay ka dambeysay hadalkii Mr Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -