Wasiir Beyle oo shaaciyey xiliga IMF ku dhawaaqeyso cafinta deynta Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle oo maanta shir jar’id warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu sheegay in 25-ka bishan hey’adda lacagta aduunka ee IMF ka deynta ka cafineyso Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ay Soomaaliya ka cafiyeen inta badan lacagihii ay kulahaayeen, balse ay hartay oo kaliya cafinta deyntii ay hey’adda IMFta ku laheyd dalka.

Waxa uu intaa kudaray in arimaha deyn cafinta Soomaaliya ay garab ku siiyeen dalalka Ingiriiska , Norway iyo Talyaaniga oo bixiyey inta badan lacagihii lagu lahaa Soomaaliya .

Wasiir Beyle oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in aan Soomaaliya hadda loo ogoleyn in ay qaadato deyn dowladduna aysan soo qaada doonin, balse badalkeed ay helayaan lacago deeq ah oo lagu kaabo dhaqaalaha Somalia.

Waxaa uu dhaliilay aqoonyahano Soomaali ah oo sheegay ineysan jirin wax deyn ah oo laga cafiyey Somalia ama laga cafin doono dhowaan, isagoo xusay in shaqsiyaadka wararkaas faafinaya ay ka hadleen oo kaliya fekerkooda balse xaqiiqada jirta ay sidaas ka gedisan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -