Kheyre oo Dhaqaatiir kala hadlay Qorshayaal ku aadan COVID-19 (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamanayo COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn dhaqaatiirta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurkaan ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan bed-qabka bulshada waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Kulanka oo ay goob joog ka aheyd wasiirka caafimaadka XFS, ayaa lagu soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga qorshaha looga gaashaamanayo.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta Wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeenna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleyso bed-qabka iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran.

Wasiirka Caafimaadka oo kulanka la war bixisay ayaa caddeysay in si aad ah looga wada hadlay sare u qaadidda wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka.

Kulanka intii uu socday waxaa lasoo jeediyay in la adeekyo dhaqan gelinta tillaabooyinka xakameynta ee ay kamidka yihiin yareynta isu imaatinta Dadweynaha iyo Sare u qaadidda Nadaafadda maadaama Ka hor tagga cudurku ay ka wanaagantahay daaweynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -