Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada gaar ahaan Facebook lagu faafiyay warqad la sheegay in ay kasoo baxday Madaxtooyada Puntland oo lagu xanibay Wasiiradii dowlada federaalka ee ka qeyb galay shirkii Garawe ka dhacay.

Warqada been abuurka ah ayaa lagu amrayay in Wasiirada dowlada si deg deg ah uga baxaan deegaanada Puntland sidoo kale lagu farayay in aysan imaan Karin deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Qoraal goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in warqadaasi lagu faafiyay baraha bulshada ay tahay mid been abuur ah oon kasoo bixin Madaxooyada maamulka Puntland.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dadkii ka dambeeyay warqadaasi been abuurka ah baaritaan lagu hayo lana marsiin doono ciqaab adag cidii lagu helo.

Warqadan been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ayaa kusoo aadeysa xili shalay Wasiiradii Xukuumada Soomaaliya ee ka qeyb galay shirkii wdatashiga ee Puntland kasoo horjeesteen war murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi.

Halkan ka Akhriso Warqada Been abuurka ah ee la faafiyay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -