Hub Badan Iran ugu deeqday Xuutiyiinta oo si Qarsoodi ah Soomaaliya loo soo galiyay

Warbixin uu daabacay Machadka The Global Initiative against Transnational Organized Crime oo fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Swizerland, ayaa lagu shaaciyay hub dowlada Iran ugu deeqday kooxda Xuutiyiin lasoo galiyay gudaha Soomaaliya.

Hubkan oo dowlada Iran ugu deeqday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa la sheegay in si qarsoodi ah loo soo galiyay gudaha Soomaaliya, waxaana hubkan lasoo marsiiyay biyaha Gacanka Cadan.

Sida warbixinta lagu sheegay hubkan oo gaaraya 400 xabo ayaa la geeyay 13 goobood oo kamid ah Soomaaliya sideedii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana hubkan Soomaaliya loo soo galiyay hab ganancsi .

“Dowlada Iran waxay si is-daba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran,” ayaa lagu sheegay Warbixinta.

Dowlada Iran ayaa beenisay in ay ku lug leedahay hubka sharci darada lagu soo galiyay Soomaaliya, waxaana afhayeen u hadlay Wasaarada arimaha dibadda Iran sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn ka ganacsiga hubka sharci darada ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorigu uu ku dambeeyo shabakado ganacsi oo wax tahriibiya oo macaamiishooda ay ka mid noqon karaan kooxo hubeysan oo doonaya in ay ka faa’iideystaan danahooda siyaasadeed ka hor doorashooyinka Soomaaliya.

Hubka sharci darada ah ayaa inta badan Soomaaliya laga soo galiyaa dhinaca dalka Yemen oo doonyo looga soo qaado, waxaana hubkan kamid ah kuwa dowlada Iran ku taageertay kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -