Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Muslimiin isku khilaafay Dukashada Salaada Jimcaha xili Caronavirus laga cabsi qabo

Muslimiin badan oo ku nool magaalada Jakarta ee caasimada Indonesia ayaa aqbalay talooyinka loogu jeediyey inay ka fogaadaan isu-imaatinka diimeed, ayna guryahooda ku tukadeen Jimcaha, ayaa haddana qaar badan waxay iska indho-tireen halista cudurka Coronavirus, waxay kusoo urureen Masaajidda.

Indonesia ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 309 kiis oo Coronavirus ah, hase yeeshee tiradaas ayaa sare usii kaceysa, waxaana khubarada ay ka digeeen inay sii kordhi karto. Indonesia waxaa Coronavirus ugu geeriyooday 25 qof.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah Muslimiinta dalkaas ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin in iimaankooda uu bad-baadin karo.

“Allaha ayaa ilaalinaya kuwa guta waajibaadkooda,” waxaa sidaas yiri Aswin Jusar oo ah 76 jir ku nool xaafadda Depok ee Koonfurta Jakarta, isaga oo isku diyaarinaya salaadda Jimcaha.

Depok ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey dhowr kiis oo Coronavirus ah, islamarkaana Yunizar oo ah 65 jir maamula Masjid waxa uu sheegay in inkasta oo uu walaacsan yahay, haddana uu go’aansaday inuu salaadda aado.

Waxa uu sheegay in Masjidka nadiifin dheeri ah lagu sameeyey lana geeyey dawada gacmnaha la isag nadiifiyo.

Barasaabka Jakarta ayaa joojiyey dhammaan isu-imaatinada diimeed muddo laba toddobaad ah, halka madaxweyne Joko Widodo uu sheegay in “loo baahan yahay in la qiimeeyo dhacdooyinka diimeed ee ay dadka badan ku lug leeyihiin”.

Masjidka ugu weyn Koonfur Bari Asia ee Istiqlal ee Jakarta, ayaa la baajiyey Salaadda Jimcaha. Imaamka Masjidka Nasruddin Umar ayaa sheegay inuu u hogaansamay Fatwo kasoo baxday Golaha Culimada Indonesia oo ku baaqday in dadku ay kala fogaadaan.

“Waxaa jira sababo lagu qanci karo, si looga fogaado isu-imaatinka diimeed,” ayuu Umar ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.

Isu-imaatin diimeed, oo bishii tagtay ay dalka Malaysia ugu qeyb-galeen 16,000, oo qof ayaa horseeday in 670 qof ay ka qaadaan Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo dheeri ah oo loo soo dirayo howlgalka AMISOM ee Somalia

Caydiid Ali

Taliye ciidan iyo askar la socotay oo khasaaro kasoo gaaray qarax lala eegtay

Cabdi Cade

Dagaal culus oo saakay ka dhacay Ceelbacad iyo Janaraal Odawaa oo guul sheegtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---