Allbanaadir.com
NEWS

Taliye ciidan iyo askar la socotay oo khasaaro kasoo gaaray qarax lala eegtay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso, kaa oo lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay ex-koonratool ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa miino lala eegtay uu haleelay gaari uu la socday taliyaha ciidamada booliiska saldhigga degmada Carmo.

Qaraxa ayaa la sheegay in dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray taliyaha ciidanka Booliska degmada Carmo G/sare Axmed Koboc iyo qaar kamid ah askartii ilaalada u aheyd taliyaha qaraxa lala eegtay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa miino oo jugtiisa cusleyd sidoo kale dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo marayay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxa kaddib goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa muddooyinkan waxaa kusoo kordhayay qaraxyada miino iyo falalka kale ee amaan-darro, waxaana magaaladaasi dhibaatooyin ka geesta dagaalyahanno katirsan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaasha Soomaalida ee Qurbaha ka yimid iyo Beesha Caalamka !!

Cabdi Cade

Somaliland oo joojisay Duulimaadyada uga yimaada Muqdisho iyo magaalooyin kale

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Jaabiri oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamanka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---