Qaraxyo goor dhow ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Laba qarax oo is xigay goor dhow salaadii duhur ka hor waxaa laga maqlay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

Qaraxyadan ayaa la soo sheegayaa iney ka dhaceen agagaarka isgoyska Ex-kontrol Balcad oo u dhow xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa sida aan wararka ku heleyno.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda lala beegsaday Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo ku socdaaleysay Jidka Balcad.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas ay ridayaan ciidamadii lala beegsaday, waxaana xirmay isu socodka gaadiidka iyo dadka halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM ay dhalisay dhimashada laba qof iyo dhaawaca qaar kale, waxaa sidoo kale halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada Somalia.

Qaraxyada ciidamada lagula beegsado isgoyska Ex-kontrol Balcad ee degmada Heliwaa  ayaa mudooyinkan aad ugu soo badanayey halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -