Maamulka Gobolka Banaadir oo Dalbaday in lasoo xiro Boqor Buurmadow

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si kulul u cambaareeyay hadal dhawaan kasoo yeeray Boqor Cusmaan Ow-Maxamuud Buurmadow oo ahaa in dalka ka jirto labo dowlad oo ah Dowlada Federaalka iyo Al Shabaab.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa si kulul u dhaliilay hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow uu ku tilmaamay mid gef ah aysan qaadan karin Shacabka ku dhaqan Muqsldisho.

Cali Yare ayaa sheegay in Boqor Buurmadow oo ku sugan magaalada Muqdisho ka gudbiyeen dacwad kana dalbadeen laamaha amaanka in ay soo xiraan.

”Waxaan gudbinnay dacwad lid ku ah Buurmadoow waxaanan dalbannay in la soo xiro’ waxaan ayidsanahay Banaanbaxa ay shacabka Gobolka Banaadir qabanqaabadiisa wadaan si ay uga dhiidhiyaan gefkii ka soo yeeray Buurmadoow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo.”Ayuu yiri Cali Yare

Gudoomiye kuxigeenka Amniga maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay hadalkii jeesjeeska ahaa ee Boqor Buurmadow kasoo yeeray uusan noqon doonin mid sidii sahlaneyd ee uu uyiri looga gudbo, waxa uuna xusay in meel looga qanci karo arinkan uga soo hari doonaan.

- Advertisement -