Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarada Fly Dubai oo ka degi rabtay Hargeysa

Waxaa saakay si rasmi ah u dhaqan galay go’aankii dowlada federaalka Soomaaliya mudo labo isbuuc ah ku hakisay in dalka yimaadaan Duulimaadyada caalamiga ah ee kasoo degi jiray garoomada diyaaradeed ee dalka kuyaala si looga hortago caabuqa Caronavirus.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  oo maalin walbo imaan jireen duulimaadyo caalami ah ayaan saakay jirin wax diyaarad ah oo kasoo degay, waxaa sidoo kale sidaa oo kale diyaarado dibada ka yimid kasoo degin garoomada kale ee dalka.

Diyaarad ay leedahay shirkada flydubai ee dalka Imaaraaka Carabta oo saakay rakaab usoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in lagu qasbay in ay dib u laabato kadib amar kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

 

Wariyaal ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in diyaaradii Flydubai ee la sugayay in ay kasoo degto Hargeysa dib u ula laabatay rakaabkii waday kadib markii Wasaarada gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ku amartay diyaaradaasi in aysan degi karin.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan guud ahaan dalka looga mamnuucay mudo 15-maalin ah in safaro ku yimaadaan diyaaradaha caalamiga ah, go’aankan ayaana u muuqda mid maanta si rasmi ah u dhaqan galay.

Somaliland ayaa sheegtay dhawaan kaliya in ay joojiyeen diyaaradaha ka yimaada qaar kamid ah wadamada laga helay Caronavirus, lamana oga sida maamulka Somaliland uga felcelin doonaan go’aan dowlada ku jojisay in Hargeysa tagaan duulimaadyo caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -