Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre & dhiggiisa Ethiopia oo kulan ku yeeshay Addis ababa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira in Cabdiweli Gaas uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Puntland?

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo Guddoomiyay Shir labo hindise sharciyeed oo Muhiim ah lagu ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Saddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---