(Akhriso) Warbixinta Maalinlaha ah ee Wasaarada Caafimaadka DF COVID-19

WAR-BIXIN MAALINLE AH: CUDURKA CORONAVIRUS (COVID-19)

18 Maarso 2020

• Kadib xaqiijintii kiiska bukaanka qaba xanuunka COVID-19, Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay umadda Somaliyeed la socodsiinaysaa inuusan jirin kiis kale oo laga shakiyay ama la xaqiijiyay

• Kiiska la xaqiijiyay waxa uu wadanka kasoo galay dibadda, waxay Wasaaradda ku dadaalaysaa in laga hortago faafidda xanuunka ee gudaha waddanka

• Wasaaradda waxay ku daba-joogtaa dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inu qabo cudurka COVID-19.

• Dawlada waxay u qoondeysay 5 milyan oo Dollarka Maraykan ka ah guud ahaan dalka si loo xakameeyo faafida cudurka
• Wasaaraddu waxay furtay lambarka Gurmadka Caafimaadka degdegga ah 449. Qofkii u baahdo macluumaad ama talo la xariirta cudurka COVID-19 ama isaga shakiya ha waco 449

• Waxa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho lagu diyaariyey xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka

• Waxa isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho loo qoondeeyay inu noqdo xarunta daaweynta bukaanada la xaqiijiyo inay qabaan cudurka COVID-19.

• Waxa ay Wasaaaraddu qorsheynaysaa in wadanka la keeno agabka lagu xaqiijin karo cudurka COVID-19 sida ugu dhaqsiyaha badan.

• Si looga hortago cudurka faafidiisa, dawladda waxay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka
imaanayey ama ka baxayey laga bilaabo 19ka Maarso 2020.

• Sidoo kale waxa ay dawladdu fasaxday dhamaan iskuulladii, waxayna joojisey isu-imaatinka dad-weynaha

• Isha kaliya ee wararka xaqiiqda ah ee la xiriira cudurka COVID-19 waa Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -