Al Shabaab oo qaraxyo kusoo weerartay Ciidanka Danab ee la wareegay Janaale

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hooe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal cusub oo socday in ka badan labo saacadood, dagaalka ayaana u dhaxeeyay Ciidamada Danab iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Milatarga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ayaa saakay la wareegay deegaanka Janaale, waxaana ciidamada xili ay magaalada isku fidinayeen weerar culus kala kulmeen Al Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidanka Danab ee dagaalka kula wareegay  Janaale ayaa noo sheegay in Al Shabaab kusoo weerareen ciidanka gaadiid ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay sargaalkan in ay ciidamada kahor tageen gaadiidka qaraxyada kasoo buxiyeen Al Shabaab kuna qarxiyeen banaanka , waxa uuna tilmaamay in fashiliyeen weerarka rogaal celiska ee soo qaadeen Al Shababa.

Sargaalka ayaa noo sheegay in hada istaagay dagaalkii ka dhacay deegaanka Janaale ayna ciidamada su buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, waxa uuna tilmaamay in Al Shabaab khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkaasi ka dhacay Janaale.

Inta badan shacabkii ku noolaa deegaanka Janaale ayaa barakacay, waxaana deegaanka hada gacanta ku haya ciidanka dowlada Soomaaliya oo halkaasi aan cagta saarin mudo sanado ah oo Al Shabaab maamulayeen.

 

- Advertisement -