Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka oo yeelanaya kulan Xasaasi ah iyo xogta arrimaha looga hadlayo kulanka

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo Isniin ah xaruntooda KMG ah ku yeeshaan kulan arrimo xasaasi ah oo siyaasadeed looga hadlayo .

Farriin qoraaleed loo diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay in beri soo xaadiraan kulanka golaha, waxaana wararka qaar sheegayaan in suurto gal tahay in madaxweyne Xasan kasoo qeyb galo kulanka beri yeelanayaan Baarlamaanka.

Sida aan wararka ku helnay kulanka beri ayaa la filayaa in looga hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan wax-kabedelka Dastuurka iyo sidoo kale gogosha nabadeed uu magaalada Garawe fidiyay madaxweynaha Puntland.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa horey qaab muran badan uu ka dhashay u meel mariyay habraaca wax-kabedelka Dastuurka, waxaana xildhibaanada hadda horyaala in ay wax badan ka bedelaan Dastuurka KMG ee la furay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Gobolka Banaadir & heyadda IOM? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo dib u dhis ku sameyneysa Xaruntii Turubataariyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo saameyn xun ku yeelatay Kiiska Wariyaha lagu tuhmayo in ay dileen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---