Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Danab oo si buuxda ula wareegay Janaale

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ee loo yaqaan Danab ayaa saacado kahor si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale ee gobolka Sabeelaha Hoose.

Dagaalyahanada Al Shabaab oo mudo sanado ah gacanta ku hayay deegaanka Janaale ayaa halkaasi isaga baxay kahor inta aysan ciidanka Danab la wareegin, lamana soo sheegin dagaal deegaankaasi ka dhacay .

Ciidamada Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaano kuyaala duleedka Janaale, waxa ayna ciidamada ugu dambeyn maanta si buuxda ugula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Janaale oo mudo sanado ah gacanta dowlada ka maqneyd.

Sargaal katirsan ciidanka Danab ayaa noo sheegay in ciidamada si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Janaale, waxa uuna sargaalka noo sheegay in ay socdaan howlgalo ciidamada ku xaqiijinayaan amaanka guud ee deegaankaasi.

Ciidamada Danab ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waday howlgalo ay kula wareegayaan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay horey u maamulayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -