Qorax Madoobaad laga arki doono meelo badan oo caalamka ku soo wajahan & Somalia oo..

Qorax madoobaad saameyn doona qeybo ka mid ah caalamka ayaa la filayaa inuu dhaco qiyaastii labo todobaad ka dib sida ay sheegayaan heyadaha ku xeeldheer culuunta hawada sare.

Heyadda NASA ayaa sheegtay in 25-ka bishan Oktoobar uu ka dhici doono caalamka qeybo ka mid ah qorax madoobaad.

Meelaha ugu daran ee laga arki doono qorax Madoobaadkan ayaa waxaa ka mid ah Ruushka, Ukraine, Kazakhistan iyo Wadamada Yurub intooda badan isagoo socon doona ugu badnaan Muddo laba saac iyo daqiiqado.

Qorax Madoobaadkan Somalia si gaar ah dhanka waqooyi ee Somaliland, Putland, İlaa Hiiraan ayaa laga arki doonaa.

Magaalada Hargeysa ayuu qorax madoobaadkani ka bilaabanayaa duhurkii saacadu marka ay tahay 02:24pm waxaa uuna joogsanaya Salaada casirkii 03:04 sidoo degaanada Puntland ayaa muddo kooban laga arki doonaa sida ay sheegayaan Seynisyahanada.

Magaalada Beledwayne muddo 25 daqiiqo ah ayaa qorax mdoobaadkani uu socon doonaa. Wixii Koonfur ka xiga Hiiraan, sida magaalada Muqdisho lagama arki doono qorax madoobaadkani.

Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer Cilmiga hawada sare qoraxda ayaa madoobaata, marka iftiinkeeda iyo dhulka uu kala dhex galo Dayaxa, muddo kooban, waxaana dib u soo laabta iftiinka qoraxda marka dayaxu uu ka dhex baxo dhulka iyo qoraxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -