Shiinaha oo shaaciyay dal uu ku tuhunsan yahay inuu ka dambeeyo Coronavirus

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay in ciidamahada Mareykanka ay keeneen cudurka CORONAVIRUS magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah meesha uu ka bilowday cudurkan caalamka ku sii faafaya.

Zhao Lijian ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka.

“Kumuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Mareykan ee uu cudurkaan ku dhaco, meeqa qofood ayaa cudurka qabta? Isbitaaladeey ku jiraan?. Waxay u egtahay in ciidanka Mareykanka ay cudurkaan keeneen. Dowladda Mareykanka waa in ay arrintaan ka run sheegtaa” ayuu Zhao ku baahiyey twitterkiisa.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka ruushka ayaa horey u sheegay in laga yaabo viruskan inuu yahay dagaal dhinaca biology-ga ah oo maraykanku uu ka dambeeyo kaasoo ujeedadiisu tahay in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Shiinaha oo sanadahan dambe si xowli ah u kobcayey.

Iran oo sidoo kale cadaawad gaamurtay ay kala dhexeyso Maraykanka ayaa iyana horey u sheegtay tuhunka ay ka qabto in cudurkan uu yahay shirqool uu maraykanku ka dambeeyo
Dowladda Mareykana ayaa ilaa iyo hadda wax jawaab ah aan ka bixin eedeymaha sheegaya in cudurkan ay iyagu ka dambeeyaan, iyadoo Maraykanka laftiisa uu dhibane u yahay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -