Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u saxiixday Heshiiska Makka ee…

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku saxiixay Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay wada saxiixdeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskaan muhiimka ah ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamulka wanaagsan.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskaan uu caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Inkastoo dowladda Soomaaliya saxiixday heshiiskan , haddana dalkeenna waxa uu kamid yahay dalalka uu ka jiro musuqmaasuqa iyo caddaalad darada , taa sabab u noqotay dib u dhac dhinacyo badan leh.

Related posts

Dowlada Somalia oo wafdi u dirtay xiisada soohdinta Somalia iyo Kenya ee degmada B/Xaawo

Caydiid Ali

(Sawirro) Muuse Biixi iyo Madax kale oo qaatay talaalka ka hortaga COVID-19

Caydiid Ali

Wasaaradda maaliyadda oo xayirtay 500 oo haween ah oo ka ganacsada Dahabka jajabka ah

admin
Taboola Ads ---