Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray Mashruuc ay ku baxday 20 Milyan oo dollar (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuc ballaaran oo ay leedahay shirkad maxali, kaasoo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda.

Mashruucan oo laga hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka Axsaabta qaranka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxa mashruucan Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay shirkaddu usoo martay hirgelinta mashruucan iyo dedaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi jirey.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa iyaguna dhankooda hambalyeeyey Mashruucan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkada leh mashruucan ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah (Free market), isla markaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu horumarayo, “Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mashruucan oo muddo laba sanno ka badan socday, ayaa laga dhalinayaa koronto awooddeedu gaarsiisan tahay 20 Megawatt oo daboolaya 80% (boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee caasimadda Hargeysa, waxaana ku baxday lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -