Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wariyaal Shaqadooda ku waaway Sawir Qaldan ay ka daabaceen Ra’isul Wasaare Abiy

Wakaalada wararka ee dalka Itoobiya ayaa shaqada ka joojisay labo Wariye oo sawir qaldan oo ku saabsan nolosha Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku daabacay bar ay leedahay Wakaalada.

Wariyaashan ayaa la sheegay in ay daabaceen sawir la jar jaray oo lagu dhajiyay Madaxyada Abiy iyo xaaskiisa oo iskula jira qolka jiifka , sawirka ayaana muujinayay Abiy oo dhulka jiifa isaga oo busto huwan halka xaaskiisa ay sariirta ka qosleyso .

Sawirkan lagu daabacay Wakaalada Wararka ee Dowlada Itoobiya ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxa uuna durba sawirkan keenay in shaqada laga joojio labada wariye ee daabacay.

Wakaalada wararka Itoobiya oo lasoo galiyay qoraal ku saabsan jadwalka doorashada ayaa la dhax galiyay sawirkan, waxaana durba sawirka laga saaray bogga Wakaalada iyadoona halkaasi lagu qoray raali galin la xariirta sawirkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo fasaxday shirkad duulimaad oo fulisay amar ka soo baxay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Xasan Shiikh & Masuuliyiin kale oo ka qeyb galay Munaasabada 1-da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada UK oo Baaq xasaasi ah kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---