Galmudug oo Hogaanka Ahlu Sunna ku tilmaantay kuwa aan Hadaf laheyn Digniina u dirtay Puntland

Afhayeenka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hogaanka Ahlu sunna ee laga awood roonaaday ay yihiin kuwa aan laheyn hadaf oo is bad badal badan.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Galmudug in hogaanka Ahlu sunna ee ka baxay magaalada Dhuusomareeb yihiin kuwa ka shaqeeya danahooda gaarka ah, waxa uuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan laheyn hadaf iyo balan toona.

Afhayeenka Galmudug ayaa ugu baaqay dadka kunool deegaanada Galmudug in ay taageeraan mamaulkooda cusub, waxa uuna meesha ka saaray dadka qabay tuhunka in Al Shabaab qabsanayaan Galmudug hadii ay meesha ka baxaan Ahlu sunna.

“Waxaan idaacadaha ka maqlay hadii ay Hoggaankii Ahlusunna meesha ka baxeen in Shabaab imaanayaan,waxaas wax la aqbali karo ma ahan,waxaana idiin sheegayaan in dhamaan Ciidamada Jooga Galmudug ilaa Matabaan ay yihiin Ahlusunna,dadkana laga doonayo inay iyaga tashadaan ayuu yiri:Taardhuleed.

Afhayeenka Galmudug ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ilaaliyaan daris wanaaga iyo nidaamka dowladnimo, waxa uuna uga digay Puntland in ay soo faragaliso arimaha gudaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Galmudug in ka maamul ahaan aysan ka xumeyn in ay soo dhaweeyaan Hogaanka Ahlu Sunna balse u muuqdaan maamulka Puntland kuwa aan jecleyn in maamulka Galmudug dhismo.

Hadalkan kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili hogaanka Ahlu sunna ka baxeen balan ay horey u qaadeen oo ahaa in ay ka baxayaan arimaha Siyaasada kadib markii ay ka guureen Dhuusomnareeb ayna tageen magalaada Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -