Atooraha filimkii laga sameeyay Burcad badeeda Soomaalida oo laga helay Caronavirus

Waxaa sii kordhaya dadka madaxda iyo kuwa caanka ah uu ku dhacayo cudurka safmarka ah ee Caronavirus, cudurkan kasoo bilowday dalka Shiinaha ayaa hada qatar badan ku haya daafaha dunida.

Jilaaga caanka ah ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa is karaantiilay kadib markii uu ku dhacay cudurka Caronavirus, Tom oo dalka Australia u joogay in uu filim jilo ayaa hada ku jira xaalad karaantiil ah.

“Waxaan isku arkay ataamaha cudurka Carona lagu sheegay ,waxaan dareennay daal, sida inagoo uu qabow nagu dhacay iyo xoogaa jir cuncun ah. Sidoo kale qandho kooban,” ayuu yiri jilaa Tom Hanks.

Tom Hanks ayaa atoore kasoo noqday filimaan badan oo qaarkood caan yihiin, waxaana filimaanta uu atooraha kasoo noqday kamid ah filimka caanka ah ee Captain Phillips oo laga sameeyay burcad badeedda Soomaalida.

Cudurka Caronavirus ayaa haleelay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil, Jilayaal, Ciyaaryahano iyo dad badan oo caan ah, waxaana sii kordhaya dadka uu cudurkan haleelayo iyo waliba kuwa u dhimanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -