Khubaro ka tirsan FBI-da Maraykanka oo ku biiray baaritaanka weerarkii RW Hamdok

Baarayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawinaya doona baaritaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok.

Wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan. Faisal Mohamed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da ay saaka soo gaareen si ay ugu biiraan baarayaasha Sudan.

Hamdok ayaa isaga oo aanay waxyeelo gaarin Isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa, ayadoo la adeegsanayo qarax lala beegsaday kolonyadiisa.

Baarayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah, sida uu sheegay Saleh.

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegtay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof, iyadoo Golaha amniga iyo difaaca Sudan oo Isniintii kulmay, waxayna codsadeen caawimaad dibedda ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhanka ahaa Hamdok hase ahaatee Mas’uuliyiinta Sudan ayaa xiray dhowr qof oo ay ku jiraan ajaaniib, sida uu sheegay Saleh,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -