Cadaadis xoogan oo la saaray Guddigii Doorasho uu magacaabay Sheekh Shaakir

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa kuwada sugan labo guddi doorasho oo iska soo horjeeda ayna kala magacaabeen Dowlada federaalka iyo kooxda Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku heleyno dowlada federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan saartay guddiga doorashada uu dhawaan magacaabay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Guddiga uu magacaabay Sheekh Shaakir oo xubno horey uga mid ahaa ay is casileen ayaa maalin sabtidii soo saaray habraaca doorashada Galmudug, waxa ayna xubnaha guddiga shaaciyeen qaabka loo xulayo Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Masuuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb iyo saraakiisha laamaha amaanka ayaa cadaadis xoogan saaray guddigan doorasho, waxa ayna uga digeen in mar kale soo saaraan arimo la xariira doorashada ama ay qabtaan kulamo .

Guddigan ayaa lagu wargaliyay in aysan sameyn karin dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo , waxaana loo sheegay in guddiga doorashada ee lawada ogol yahay uu yahay kan dowlada federaalka ay magacawday.

Xubnaha guddiga ayaa la sheegay in qaarkood si toos ah loo wacay looguna digay, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan in qaar kamid ah xubnaha guddigaasi ay is casilaan .

Magaalada Dhuusomareeb ayaa hada u muuqata mid dowlada federaalka Soomaaliya si buuxda ula wareegtay, waxaana meesha kasii baxaya saameynta ay Ahlu Sunna ku laheyd doorashada iyo soo dhisida Galmudugta cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -