Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiye ku-Xigeenkii gobolka Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan ayaa ku geeriyooday qarax miino oo saaka lala beegsaday gaadiid ay la socdeen.

Qaraxan ayaa la sheegay in gaadiid ay la socdeen masuuliyiintan iyo ilaaladooda uu ku qabsaday degaanka Gololey wax yar ka dib markii ay ka baxeen degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Waxaa sidoo kale ku dhintay weerarkan masuul magaciisa lagu soo gaabiyey Xuseen Baldoos oo la shaqeynayey qaar ka mid ah heyadaha samafalka ee ka howlgala gobolka Sh/dhexe sida wararku nagu soo gaarayaan.

Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray askar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaasoo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.

Wadada u dhexeysa degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ayaa mudooyinkan waxaa ku soo badanayey weeraro iyo qaraxyo horey loogu dilay masuuliyiin kala duwan, Xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan dowlada Somalia iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xero Nacnac iyo askar badan oo…

Cabdi Cade

Maxbuus in ka badan 20 sanno ku xirnaa Xabsiga milatariga ee Guantanamo oo lasii daayay

Cabdi Cade

Muxuu aqalka sare ka yiri gudigii uu Magacaabay Raisul Wasaare Khayre? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---