Maraykanka oo duqeyn ku dilay galabta dagaalyaho ka tirsan Al-shabaab

Duqeyn ay fuliyeen dayuuradaha Maraykanku ayaa galabta ka dhacday deegaanka Janaale ee gobolka Sh Shabeelaha Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay caawa dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in duqeyntaas ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Maraykanka.

“Waxaa duqeynta ka dhacday janaale lagu dilay afar ka mid ah kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay al-shabaab.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii ciidamada Maraykanku ay sheegeen iney duqeyn ku dileen Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaabo kaasoo ku sugnaa degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -