Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heyadda Socdaalka oo Yurub ka furtay Xarun cusub oo laga bixinayo Baasaboorka (Sawirro)

Safiirka Soomaaliya ee Geneva ee wadanka Switzerland Danjire, Abyan Maxamed Saalad iyo K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah u furay Xafiiska bixinta Baasaboor Soomaaliya oo maanta laga dhex furay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay wadanka Switzerland.

Furitaanka Xafiiska Bixinta Baasaboorka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha 1aad ee Safaaradda iyo Masu’uuliyiin kale oo kasoo qeybgashay furitaanka, waxeyna dhamaantood sheegeen in adeegyadan ay baahi weyn u qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland iyo wadamada ka agdhow, islamarkaana ay hada kadib fursad u siineyso in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka heli karaan Safaaradda Soomaaliya ee Geneva adeegga Baasaboorka.

Danjire Abyan, oo hadal kooban ka jeedisay munaasabada ayaa uga mahadcelisay Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hirgelinta Xafiiska Baasaboorka ee Safaaradda Soomaaliya ee Geneva.

Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay madaxda Safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen, dhanka kalena goobta ka sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ay sanadkan ku howlan tahay sidii ay adeegga bixinta Baasaboorka u gaarsiin laheyd goobo hor leh oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah si Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu soo dhaweeyo adeegga Baasaboorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hub ka dhigista ciidankii TPLF oo ka bilaabatay Tigray (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii Baydhabo iyo Howlgalo cusub oo bilaabanaya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---