James Swan oo gaaray Garawe lana kulmay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada soo aaddan ee Soomaaliya, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada badan leh ee ay siiso Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -