Dib u dhis lagu bilaabay xaruntii Inji ee laga saaray Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Madaxweyne ku xigeenka Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Inji oo ay ay dagaanyeen Masuuliyiintii Ahlusunna halkaa oo saameyn xooggan uu ku yeeshay Dagaalkii Ahlusunna iyo Dowladda ku dhexmaray Dhusomareeb.

Xaruntan oo qaybo kamid Burbur kasoo gaaray Dagaalkii dhacay ayaa hadda lagu bilaabay dib u dayactir ballaaran, waxaana halkaasi ka socda dib u dhis lagu sameenayo qeybaha uu bur burka soo gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo kormeerka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in Xaruntan ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka iyo Gollaha Wasiiradda Galmudug.

Inji ayaa ah Xarun ay ku yaalaan dhismayaal badan oo iskugu jira Goobo la jiifto iyo Hoolal lagu shiro iyo barxado, waxaan horey u dhisay Bulshadda Degmooyinka Dhusomareeb iyo Guriceel.

Dhismahan ayaa muhiim u ah maamulka Galmudug oon hada heysan dhismayaal ay ku shaqeeyaan, waxaana inta badan masuuliyiinta Galmudug degan yihiin dhismayaal gaar loo leeyahay iyo xarunta Madaxtooyada oo ciriiri ah.

- Advertisement -