Abwaan caan ah oo Qeylo dhaan ka keenay Dhul uu leeyahay oo Imaaraadka laga iibinayo

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa qeylo dhaan ka keenay dhul dad shacab ah leeyihiin oo kuyaala duleedka Hargeysa oo la doonayo in laga iibiyo dad kasoo jeeda Imaaraadka iyo Kuwait.

Abwaanka ayaa sheegay in dad dalaaliin ah ay doonayaan dhul reerkiisu leeyahay iyo dhulal kalaba ka iibiyaan Imaaraadka iyo Kuwait, waxa uuna digniin u diray dadka ku howlan qorshahan dhulka la doonayo in looga qaato dadkii lahaa.

“Beertayada wax sharci ah oo ka dhiman ma jiraan, deegaan raagayna waanu nahay, dastuurkana way ku taalaa deegaan raagay lama riixi karo runtiina lagama qaadi karo, anaga dawladu nama haysato laakiin niman doonaya inay ka iibiyaan imaaraadka iyo kuwait oo ay u dhisaan daaro gaagaaban ayaa soo wada mashruuc ay leeyihiin dadka rayidka ah halaga iibsado halkan oo madaarka halaga fogeeyo hadana anaga nooma yimaadaan oo naguma soo dhacaan.” ayuu yiri Abaan Bidde.

Abawan Axmed Saleemaan ayaa cadeeyay in sida muuqata aan dhulkooda loo dhaafi doonin, waxa uuna tilmaamay in sadex arin midkood un noqon doonto hadii uu hirgalo qorhaha lagu doonayo in dhulkooda looga qaato.

“Waxaase dhici doonta sharci ayaanu leenahaye waa nalaga qaadi ama waa naloo dayn ama waa nalaga iibsan sadexdaas mid ayey noqon oo waliba nala dhaafi mayso ramadaanta.” ayuu yiri Abaanka.

Maamulka Somaliland ayaa doonaya in dhul kuyaala duleedka Hargeysa ka iibiyaan dad kasoo jeeda wadamo shisheeye gaar ahaan wadamada carabta uu xiriirka dhaw kala dhaxeeyo sida Imaraadka Carabta si dhulkaassi looga sameeyo mashaariic.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -