Wasiir katirsanaa maamulka Jubbaland oo isku soo dhiibay ciidanka Dowlada

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo isku soo dhiibay Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Gudaha Jubbaland.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa kasoo goostay maamulka Jubbaland uu katirsanaa, waxaana Wasiirka oo ka yimid dhinaca Mandheera lagu soo dhaweeyay Balad Xaawo iyadoona loo sii galbiyay dhinaca Doolow uu hada joogo.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan ayaa soo dhaweeyay Wasiirkan kasoo goostay maamulka Jubbaland, waxaana soo goosashadan wasiirkan la sheegay in ay ku timid wadahadal hoose.

Talaabada uu wasiirkan uga soo goostay maamulka Jubbaland ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay maamulka Axmed Madoobe, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan kasoo saareen maamulka Jubbaland.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -