Laftagareen oo xariga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee degmada Diinsoor (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Md, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Munaasabad ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee XFS, Xubna ka tirsan Wasiirada Dowlad Goboleedka K/Galbeed, Agaasimaha Laanta 3aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, K/xigeenka Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ iyo shacabka Degmada Diinsoor.

Madaxweynaha oo booqday qeybaha uu ka koobanyahay Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ayaa bogaadiyay sida ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uga jawaabtay baahida Shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan Degmada Diinsoor.

K/xigeenka Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ Md, Mahad Cusmaan Siyaad iyo Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji Ibraahim ayaa iyaguna uga warbixiyeen madaxweynaha habka uu u shaqeynayo Xafiiska cusub iyagoo xusay inay Hey’adda markasta ka jawaabeyso baahiyaha Dadka ku dhaqan deeganada KGS iyo guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku howlaneed sidii ay adeegyada Hey’adda u gaarsiin laheed degmooyinka Dalka, iyadoo todobaadkii hore ay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ka furtay Xafiiska cusub oo laga heli karo adeegga Baasaboorka taas oo wax badan ka badashay ciriiriga iyo culeysyadii ka jiray Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -