Jubbaland oo balan-qaad u sameysay ciidankii Shabaabka ku laayey Baarsanguuni

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Max’uud ayaa maanta dhiirigalin iyo bogaadin ugu tagay Ciidamada ku sugan furimaha gobolka Jubada hoose gaar ahana degaanka Bar sanguuni kuwaasoo dhawaan ka hor tagay khasaare badana u geystay dagaalyahanada Al shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Waxaa kormeerkaas ku wehliyay xubno ka mida Wasiirada, mudanayaal katirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada iyo saraakiil Ciidan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa ka gadaal salaan sharafta mid mid u gacan qaaday Ciidamada.

Waxa uu sheegay in Madaxda Jubbaland ay hadda ka go’antahay sidii dalacsiin iyo dhiirigalin loogu sameyn lahaa geesiyada Naftooda u huray bulshada Soomaaliyeed sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay cashir lama ilaawaan ah u dhigeen Al-shabaab, loona baahan yahay iney dardar geliyaan howlgalada ka dhanka ah kooxdaas ee dalka looga ciribtirayo.

 

- Advertisement -