Kenya: “DF Somalia waxay ku soo xad gudubtay dhulka iyo madax-banaanida dalkeena”

Kenya ayaa ku eedeysay dowlada Somalia iney ku xadgudubtay dhulka iyo madax-banaanida dalkeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:

Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya; Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka sida lagu sheegay war saxaafadeedka

“Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana “ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal”.

Dhinaca kale waxay si kulul uga jawaabtay eedeymaha uga yimid dhinaca Soomaaliya.

“Dhaleeceynta aan sal iyo raadka lahayn iyo eedeymaha ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah in Kenya ay faragalisay arrimaha gudaha ee Soomaaliya; waxay qeyb ka yihiin ficillada gurracan ee isdaba joogga ah, kuwaasoo Kenya loogu adeegsanayo in loogu marmarsiiyoodo caqabadaha Soomaaliya heysta ee ku yimid sababaha siyaasadeed. Kenya ma aqbali doonto in sidaas loo isticmaalo”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay

“Dhab ahaantii waxaan ku dhiirrigalineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso ol’olaha noocan ah, ayna xooggeeda iyo tamarteedaba galiso sidii ay hoggaan fiican u yeelan lahayd ugana shaqeyn lahayd horumarka dadkeeda”, ayaa lagu yiri Bayaankan oo qormadiisu ay dheereyd.

Waxaa kale oo lagu sheegay in Kenya ay dadaal badan iyo dhaqaaleba galisay sidii ay Soomaaliya u heli lahayd nabadgalyo, ayna hadda ku faraxsantahay in 30 sano kaddib la arkay nabad ka hana qaadday Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili xiriirka labada dal uu heerkii ugu xumaa marayo, ayna hawada isu marinayaan hadalo kulul iyo eedeymo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -