Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa o lagu soo dhoweeyey Abu Dhabi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa kulamo kula yeelan doona madaxda ugu sarreysa  dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018 uu xumaaday xiriirka labada dal

Mugdiga ku yimid xiriirka labada dal ayaa ka dhashay dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka taasoo laga dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadan, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu ka soo horjeestay talaabadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Warar dheeri ah oo ka soo baxaya dad shalay lagu laayey duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---