Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo la geeyay Madaxtooyada Galmudug lana kulmay Qoor Qoor

Hogaamiyihii kooxda Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya y Macalin Maxamuud ayaa xalay xili dambe la geeyay xarunta Madaxooyada Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay  hogaamiyaha is dhiibay, waxa ayna kawada hadleyn arimo xasaasi ah oon wali saxaafada loo soo bandhigin.

Xubno katirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in kulan waqti dheer socday uu dhax maray Madaxweynaha Galmudug iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna, waxa ayna labada dhinac si hoose uga wada hadleen dagaalkii dhacay iyo sida xaalku ku dambeeyay.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa gacanta ku haya Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo madaxii hore ee Xukuumada Galmudug iyo xubno kale oo katirsan hogaanka Ahlu sunna kadib markii ay isku soo dhiibeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin is dhiibida Hogaanka Ahlu Sunna iyo dagaalkii ka dhacay Dhuusomareeb, maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wali go’aan ka gaarin sida laga yeelayo Hogaanka Ahlu Sunna ee gacanooda ku jira.

- Advertisement -