Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Sheekh Shaakir oo isku dhiibay Ciidanka dowlada

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay magaaladaasi gaar ahaan xarunta Inji ay ku sugnaayeen Hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidankooda.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa la sheegay in gudaha u galeen xarunta Inji, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa rasaasta culus ee la is dhaafsanayay iyo hoobiyaal.

Sida aan wararka ku helnay markii uu dagaalka xoogeestay ayaa la sheegay in hogaanka Ahlu sunna codsadeen in xabada laga joojiyo fursadna loo siiyo in ay isku soo dhiibaan ciidamada dowlada.

Sida aan wararka ku helnay Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Madaxii hore ee Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowlada gaar ahaan taliska milatariga qeybta 21-aad.

Amaanka hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in hada gacanta ku hayaan ciidanka milatariga ay horkacayaan Qooje iyo Mascuud, waxaana inta badan hubka laga dhigay ciidamadii Ahlu sunna ee ka dhax dagaalamayay xerada Inji.

Xaalada ayaa hada lagu soo waramayaa in wax xoogaa degan tahay ayna joogsatay rasaastii cusleed, waxaana xarunta Inji gudaha u galay ciidamada dowlada gaar ahaan milatariga oo hada gacanta ku haya xaruntaasi iyo hogaanka Ahlu sunna ee is dhiibay.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -