Booliiska Kenya oo qabtay nin la sheegay in uu qorsheenayay dilka Madaxweyne Uhuru

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu qorsheenayay in uu dilo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Ninkan ay ciidamada booliiska Kenya qabteen ayaa la sheegay in uu shalay isku dayay in uu galo garoonka Narok halkaas oo maanta ka dhaceyso munaasabada loogu magac daray Madaraka Day.

Sarkaal katirsan ciidanka Milatariga Kenya ayaa sheegay in shalay qabteen Adan Galhai oo 22 jir ah balse uu ka baxsaday, waxaana ninkan saakay gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo dabagal ku sameeyay.

Booliiska ayaa ninkan ku eedeeyay in uu qorsheenayay in uu dilo Madaxweynaha Kenya oo maanta khudbad ka jeedinaya munaaabada ka dhaceysay garoonka Narok ee kuyaala magaalada Nairobi.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in ninkan dhalinyarada ay qabteen uu diinta Islaamka qaatay sanadkii 2014-kii sidoo kale kamid noqday dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna mudooyinkii dambe ku noolaa xaafada Islii sida saraakiisha sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -