Eng. Yariisow: Guddoomiyihii ugu safarada badnaa ee soo mara Gobolka Banaadir..!!

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa safar ku maraya dalal ka tirsan qaarada Yurub xili  cabashada ka soo yeereysa shaqaalaha gobolka iyo qaar ka mid ah shacabka ay sii kordheysay mudooyinkan.

Safarada uu Eng. Yariisow ku tegay dibeda muddada sanadka ah ee uu xilka hayo ayaa ka badan labaatan, isagoo noqday guddoomiyihii ugu safarada badnaa ee soo mara gobolka Benaadir.

Dalalka uu mudadaas kooban booqday qaarkoodna uu dhowr jeer isaga daba laabtay waxaa ka mid ahaa UK, Belgium, Turkey, Jabuuti, Imaaraadka, Kenya, Sweden iyo qaar kale.

Safaradaas ayaa mar la isku geeyo waxaa ku baxday qiyaastii hal milyan oo dollar, waxaana qaarkood ay ahaayeen kuwo macno daro ah, halka qaar kalena uu shaqadii Qaranka u dayacay xaflado qelin jebin ah oo caruurtiisa ay ku qabsanayeen magaalada London bartamihii sanadkii hore kuwaasoo lagu kharash gareeyey lacago fara badan oo lagala baxay khasnada dowlada.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo canshuuraha ugu badan bixiya ayaa markii ay ka quusteen adeegyada ay ka sugayeen maamulka gobolka Benaadir waxay bilaabeen iney isku tashadaan, isla markaana furtaan wadooyin ay roobabku xireen muddo ka hor iyagoo iscticmaalaya jeebkooda.

Shaqaalaha xarunta Maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka oo dhowaan laga dhimay mushaharkii ay qaadan jireen waxay sheegayaan in labadii bilood ee ugu dambeysay lagu silcinayey mushaharka, lana siiyo dabayaaqada bisha kale.

Sidoo kale dhalinyaradii 1,000-ka ahaa maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in loo sameeyey shaqo abuurka ayaa sheegaya ineysan afar bilood arag wax mushahar ah.

“Labo bilood ka hor waxaan saxiixnay qoraalo sheegaya in nala siinayo mushaharka naga maqnaa balse labo bilood oo kale ayaa ku darsantay illaa haddana waxba ma hayno waan yaabanahay” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaas oo wejigiisa ay ka muuqatay rajo xumo aad u weyn iyo quus.

Guddiga Maaliyada baarlamanka Somalia ayaa sanadkii hore soo saaray warbixin ku saabsaneyd muqusa ka jira heydaaha dowlada qaarkood, waxaana meelaha ay tilmaameen ka mid ah maamulka gobolka Banaadir oo ay sheegeen iney ku maqan yihiin dhaqaale malaayiin dollar gaaraya oo aan la ogeyn waxa lagu qabtay iyo halka ay mareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com     

 

 

- Advertisement -