Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal saakay dhax maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Waxaa saakay dagaal kooban uu dhax maray ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland, dagaalka ayaana ka dhacay Galbeedka Hadaaftimo ee Waqooyiga Gobolka Sanaag.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo kasoo baxay Deegaanka Yubbe ay isku dhaceen ciidamada Puntland oo ku sugnaa meelm aan sidaa uga fogeyn.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka labada ciidan dhax maray uu socday mudo kooban, waxa ayna dadka deegaanka sheegeen in wali ciidamada is horfadhiyaan mararka qaarna la maqlayo rasaas goos goos ah.

Dagaalkan saakay ka dhacay duleedka Hadaaftimo ayaa kusoo aadaya xili shalay ciidamo kala taabacsan maamulka Somaliland iyo Puntland uu dagaal kooban ku dhax maray degmada Laas qoray .

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isku heesta gacan ku heynta degmooyin iyo deegaano katirsan gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana labada ciidan horey u dhax maray dagaalo dhiig badan ku daateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -