Facebook oo tirtay Fariin marin habaabin ah uu soo dhigay Madaxweyne Donald Trump

Shirkada Facebook ayaa tirtay fariin marin habaabin ah oo ku aadan cudurka safmarka ah ee Caronavirus uu soo dhigay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo maalmo kahor ku dhacay cudurka Caronavirus.

Trump oo dib ugu laabtay Aqalka cad kadib markii laga daweeyay cudurka Caronavirus ayaa sheegay in cudurkaasi ka halis yar yahay hergabka, waxa uuna meesha ka saaray halista uu cudurkaasi leeyahay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa barta uu Facebook ku leeyahay kusoo qoray in Mareykanku bartay ‘sida loo noolaan karo xilliga hargabka’, sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!”

Shirkada Facebook ayaa si deg deg ah u tirtay fariintaasi uu Madaxweynaha Mareykanka soo dhigay barta uu Facebooka ku leeyahay, waxa ayna shirkadu sheegtay in fariintaasi tahay mid marin habaabin ah.

Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook ayaa sheegay in ay tireen fariin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay cudurka Caronavirus uu soo dhigay Madaxweyne Trump.

Facebook ayaa sheegtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan oo dadka marin habaabin kara.

Shirkada Twitterka aya asidoo kale macaamiishooda ka qarisay fariintan uu Madxaweyne Trump soo dhigay, waxa ayna barahan marar badan tireen sidoo kale dadka ka qariyeen fariimo uu soo dhigay Trump oo u badnaa kicin iyo sidoo kale marin habaabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -