Siyaasi shaaciyay Xog ku aadan sababaha keenay in askar badan lagu dilo Weerarkii Ceel Saliini

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa dhoor mar weeraro culus waxa ay ku qaadeen xero milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Ceel Saliini, waxaana weerarkaasi khasaaro badan uu kasoo gaaray ciidanka milatariga.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dowlada federaalka ay dayacday ciidanka lagu dilay weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Ceel Saliini uu sheegay in lagu dilay askar aad u badan.

Waxa uu sheegay Mr Warsame in xog ku hayo in ciidankaasi la weeraray la dayacay loona beylihiyay Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidankii lagu xoojin lahaa ciidanka jiidaha jooga loo daabulay deegaano uu sheegay in nabad ay ka jirto.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Allaha u naxariisto ciidankii shuhaddada ahaa ee lagu laayay Ceel Salliini. Waxaan xog ku heynaa in ciidankaas la dayacay, cadawgana loo baylahiyey. Tiro 3 jeer ayaa la soo wareeray, iyadoo ay Alshabaab mar walba ciidan caabboon ku soo weerarayeen xerada. Ma jiro ciidan beddela, ama lagu xoojiyo ciidanka la laayey, sababtuna waa in ciidankii xoogga dalka loo daabulayo in lagu qabsado deegaanno nabad ah oo Alshabab laga xoreeyey.

Madaxda Dowladda Federaalka waxay qarinayaan ciidanka ay Alshabaab laayeen, warbaahintana waxay ku cadaadiyeeen in aysan ka hadal. Waxaa kaloo wax laga naxo ah in aysan Aaskooda tegin, eheladooda u tacsiyeynin, agoontii ay ka tageena booqan, kuwii ka harayna niyadda u dhisin. Dad sidaa u dhaqmaya miyaan ka rumaysan karnaa in ay ciidan dhisayaan, cadawga Alshabab-na jebinayaan

- Advertisement -