Somaliland oo Mamnuucday labo ka mid ah Shirkadaha dayuuradaha (Sabab yaab leh)

Somaliland ayaa degaanadeeda ka mamnuucday labo ka mid ah shirkadaha dayuuradaha ee duulimaadyada caalamiga ah ku tegi jiray magaalada Hargeysa.

Shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa amar lagu siiyey inaysan kasoo degi karin garoomada Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saartay heyā€™adda garoomada dayuuradaha Somaliland ayaa lagu sheegay in shirkadahaas lagu wargeliyey inaysan soo caga dhiga karin garoomada Somaliland.

Laguma sheegin qoraalka Somaliland sababta ka dambeysa mamnuucida labada shirkadood, balse wararka ayaa sheegaya in maamulku inuu labada shirkadood ku tuhunsan yahay inay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee maalin walba ka degi jiray qeybo ka mid ah Somalia, sababo la xiriira si looga hortago faafida cudurka COVID-19.

Shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia ayaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxayna joojiyeen duulimaadyadii ay ku tegi jireen hargeysa iyagoo aan wargelinin maamulka Somaliland, waxaana weli magaalada hargeysa tagta dayuurada Ethiopian Airlines halkaasoo ay keento rakaab kuwo kalena ka qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -