Dowlada Somalia oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Daacish oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay xubin la sheegay in uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab balse ku biiray Kooxda Daacish.

Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeynayo inuu horay uga tirsanaa Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu ku howlanaa aaska Miino dhulka la galiyo.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish horayna uga tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in dhowaan ay Maxkamad soo taagi doonaan ninkan si ciqaabta uu mudan yahay loo mariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -