Madaxtooyada iyo Shariif Xasan oo isku fahmi la’ Shaqsiga laga dhigayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa lagu wadaa 30-ka bishan in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana xilkan isku soo sharaxay Xildhibaano badan oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku jira qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo xilka Wasiirnimo iska casilay, waxaana damac badan uga jiraa in kursiga Gudoomiyaha uu midkastaahi ku guuleesto.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxiinta qaarkood ayaa ah kuwa taageero ka helaya dhinacyo kala duwan sida Madaxtooyada Soomaaliya iyo Tan Koonfur Galbeed, halka Musharaxiin kalana ay si iskood ah isugu soo sharaxeen xilkaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qiimeyn ku wada dhoor Musharax ay midkood dooneyso in ay taageerto dhaqaalana ku bixiso sidii uu ugu guuleesan lahaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida aan wararka ku helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii hore damacsaneyd in xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka ku taageerto Musharax Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Ilo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Madaxda sare wadatashiyo ay yeesheen kadib isku fahmi waayeen in Mursal kurigan lagu taageero, waxa ayna Madaxda sare hada ka fiirsanayaan musharaxiin kale uu ku jiro Saalim Caliyow Ibrow.

Shariif Xasan Sheekh Aasan Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa si weyn u taageersan lana raba kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal, waxa uuna Shariif Xasan Madaxtooyada ku cadaadinayaan in Mursal laga dhigo Gudoomiyaha.

Sida aan Wararka ku helnay Shariif Xasan ayaa Madaxtooyada uga digay Musharaxiinta kale ee wataan , waxa uuna ku cadaadinayaa in Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga dhigo Musharax uu wato ee Mursal hadii kale dowlada wada shaqeynteeda uu ka fiirsan doono.

Cadaadiska Shariif Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu saameyn ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan iyadoona laga yaabo in Madaxtooyada ku taageeraan Shariif Xasan Musharaxan uu jeebka ku wato.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Gudoomiyaha golaha Shacabka aan loo dooran doonin Xildhibaan waxtar leh oo hogaamin kara Golaha Shacabka, balse la dooran doono Shaqsi ay kooxo gaar ah wataan oo dano laga leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -