Doon ku caaridey xeebta Bosaso iyo dadaalo lagu bad baadinayo oo socda (Daawo Sawirada)

Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dhawaan ku caarisay Xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in doonidaasi looga dajio alaabta saaran si aysan badda ugu daadan.

Dekadda Bosaso waxaa ka socda dadaalo xoogan oo lagu doonayo in lagu bad baadiyo alaabta saaran doonta caarisay, waxaana dadaalkan ka qeyb qaadanaya ganacsato, Culumaa’udiin iyo koox farsamayaqaano ah.

Waxaa socda qorshe lagu hirgalinayo dekad Macmal ah ama shactar oo loogu tala galay in gawaaridda ay marto si loo badbaadiyo hantidda saaran doonta ku caarisay meel wax yar ka baxsan xeebta.

Kunteenaro ayaa la dhigay badda dhexdeeda waxaana lagu celinayaa ciid si loo helo cufnaan iyo adeyg ay gawaaridu si fudud u marto loona suura geliyo dedaalka  ay wadaan farsamayaqaanada howshan ku howlan.

Doonta Xeebta Bosaso ku caarisay ayaa ka timid Dalka Imaaraatka Carabta , waxaana doontaan alaabta saaran lagu qiimeeyay lacag dhan  7 Miliyan oo dollar , doontan ayaana  khatar ku gashey meel ku dhow xeebta Bosaso xili habeenimo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -