Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) RW ku-xigeenka dalka & danjire Hassan Hamza Asad oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr. Hassan Hamza Asad Hashem.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Mahdi ayaa dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem ayaa ballan qaaday in Doha sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in dalka ka wado mashaariic badan, ayna dhowaan kuwo kale ka bilaabi doonaan Muqdisho iyo hareeraheeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guri labadiisa dhinac loo mariyay Buundo iyo hal arin oo sabab u noqotay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa socdaalka Axmed Madoobe ku joogo dalka Imaaraadka Carabta?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---